Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: wasaaradda haweenka Puntland oo daah-furtay shir ku saabsan caqabadaha haweenka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska dowladda Puntland  oo kaashanaysa  hay’adda UNFPA, ayaa Garoowe ka daah-furtay, shir ku saabsan caqabadaha haweenka haysta, gaar ahaanna dhinacyada dhaqaalaha,caafimaadka, iyo ka qeyb-galka siyaasadda.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay; madax iyo saraakiil ka socotay UNFPA, UNSOM, safaaradaha dalalka Finland, Sweden, Switzerland, mas’uuliyiin ka tirsan jaamacadda Uppsala University ee dalka Sweden, xubno ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo NGOs-ka maxalliga ah, marwada madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Drs Hodan Siciid Ciise iyo marti sharaf kale oo haween u badan.

Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska dowladda Puntland, Maryan Axmed Cali oo faahfaahin ka bixisay shirkan, ayaa sheegtay in looga doodayo qodoba ku saabsan caqabadaha haweenka ka haysta dhinacyada dhaqaalaha, caafimaadka iyo doorka siyaasadda iyo sida looga gudbi karo caqabahadaha.

Sidoo kale wasiirka ayaa soo bandhigtay waxqabadkii 2018 ee wasaaradda oo ay kamid tahay, in 100 gabdhood ay deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah heleen iyo in la dhisay 6 xarumood oo lagu daryeelo haweenka la kulmay tacaddiyada.

Halkaan ka daawo faahfaahinta

2-3.jpg?resize=640%2C379&ssl=1 3-3.jpg?resize=640%2C367&ssl=1 4-3.jpg?resize=640%2C369&ssl=1 5-3.jpg?resize=640%2C391&ssl=1 6-3.jpg?resize=640%2C390&ssl=1 7-2.jpg?resize=640%2C378&ssl=1 8-1.jpg?resize=640%2C396&ssl=1  11-2.jpg?resize=640%2C350&ssl=1 12-2.jpg?resize=640%2C325&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Garoowe: wasaaradda haweenka Puntland oo daah-furtay shir ku saabsan caqabadaha haweenka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this