Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay nawaaxiga taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in gaarigan uu ku ag qarxay meel ku dhow wasaaradda Batroolka, waxaana ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhacay, iyadoo halkaasi laga qaadayo dadka ay waxyeellada soo gaartay.

Weli lama hayo faah faahin intaan ka badan oo qaraxan ku saabsan, waxaana halkaasi gaaray ciidamo badan oo dowladda federaalka ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this