Sign in to follow this  
Deeq A.

Weeraro xoogan Oo ka kala dhacay Sh/ Dhexe iyo Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Weerarkan oo loo adeegsaday Bamgacmeed ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday barkoontarool oo Ciidamada HirShabelle ay ku leeyihiin waqooyiga magaaladaasi.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarka, iyadoona ay xigtay rasaas xoogan oo laga maqlay halkaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa maamulka HirShabelle oo aan la xariinay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaaan weerarkaaasi

Dhinaca kale wararka naga soo soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay weerar qorsheysan lagu qaaday fariisin Ciidanka Puntland ay ku leeyihiin magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in illaa labo Bamgacmeed ay kuu tureen fariisin Ciidanku ay ku leeyihiin halka loo yaqaano Biyo Kulule oo ka tirsan magaaladaasi.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, balse weerarka kdiba Ciidamada Puntland ayaa howlgallo ka sameeyay M/ Boosaaso, kuwaas oo lagu soo qab qabtay tiro dad ah.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda weeraradan, balse waxaa aalaaba dusha u rita Al Shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya.

The post Weeraro xoogan Oo ka kala dhacay Sh/ Dhexe iyo Bari appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this