Deeq A. Posted January 29, 2019 Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa ugu baaqay shacabka Soomalaiyeed in ay ka shaqeeyaan horumarka iyo midnimada Soomaaliya. Madaxweyne Deni ayaa cod dheer ku sheegay in Puntland ay ka shaqeyn doonto, sidii la’isugu keeni lahaa Ummadda Soomaaliyeed, loona dhameyn lahaa tabashooyinka jira. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay isu tanaasul iyo wada shaqeyn, si loo gaaro horumar iyo barwaaqo. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay kulan is afgarad ah madaxweynaha DFS iyo madaxda maamul goboleed ay ku yeesheen M/ Garoowe ee xarunta Puntland. The post Deni Oo ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada dalka appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites