Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni Oo ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa ugu baaqay shacabka Soomalaiyeed in ay ka shaqeeyaan horumarka iyo midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa cod dheer ku sheegay in Puntland ay ka shaqeyn doonto, sidii la’isugu keeni lahaa Ummadda Soomaaliyeed, loona dhameyn lahaa tabashooyinka jira.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay isu tanaasul iyo wada shaqeyn, si loo gaaro horumar iyo barwaaqo.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay kulan is afgarad ah madaxweynaha DFS iyo madaxda maamul goboleed ay ku yeesheen M/ Garoowe ee xarunta Puntland.

The post Deni Oo ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada dalka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this