Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta Gareen Oo Garowe kula kulmay bulshada deegaanada K/Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Maxamed Xasan(Lafta Gareen) ayaa magaalada Garoowe Xarunta maamulka Puntland kulan kula yeeshey bulshada deegaanada Koonfur Galbeed ee ku dhaqan magaaladaasi.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa lakulmay haweenka,dhalinyarada iyo waxgaradka,isagoo ka xog wareysanayay xaaladda dhabta ah oo ay ku sugan yihiin iyo habka is dhexgalka bulsho.

Qaar kamid ah buslhadii uu la kulmay madaxweynaha ayaa watbixin ka siiyay xaaladooda,iyagoo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin wadanoolaashiyaha bulshada deegaanadaasi Puntland.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa fariin u jeediyay bulshadii uu la kulmay,wuxuuna ku booriyay in ay horumarka ka shaqeeyaan.

“Ka qeybqaata horumarka,sameeya ganacsiga,dhulka dhista,gabdhah aguursada,waa dhulkiina dhulka,wixii dhimana xagga matalaada ah waad heleysiine”. ayuu ku dhiiroge geliyay madaxweyne Lafta Gareen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kamid ahaa wafuudii magaalada Garowe uga qeybgashey caleema saarkii madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni.

The post Lafta Gareen Oo Garowe kula kulmay bulshada deegaanada K/Galbeed appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this