Deeq A. Posted January 29, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka daahsoon ee magaalada Muqdisho. Dad goobjogaayaal ah ayaa soo wariyay in Qaraxa uu ka dhashay Gaari dhex yaalay Kaalin shidaal oo ku taalla halkaasi. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhasay qaraxaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay kuwaas oo gabi ahaan xiray wadooyinka soo gala halkaasi. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. The post Qarax Gaaari Oo goor dhow ka dhacay magaalada appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites