Sign in to follow this  
Deeq A.

“Musaveni looma Babac dhigi kari sidii Haysom haddii ay talaabo qaado DF waxaa ka dhalan doonta…..”

Recommended Posts

Deeq A.   

London (Caasimada Online)-Qaar kamid ah dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa ka hadlay waxa uu ka dhigan yahay hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni.

Madaxweynaha Uganda ayaa u gafay dowladda Soomaaliya, waxaana dadka falanqeeya siyaasadda Africa ay ku sheegeen inuu yahay mid gaf weyn ku ah qaranimada Soomaaliya.

Aqoonyahan Maxamed Xaaji Ingiriis oo falanqeeya siyaasadda geeska Africa ayaa sheegay in hadalkaasi uu muujiyay waxyaabihii ay sanado badan ka digi jireen aqoonyahanada Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha warkiisa wuu cadaa, wuxuuna cadeynaayay waxaan sanado badan dalka ka qoreynay, sababtoo ah horey ayaan u sheegnay in magaalooyin qaar aysan iska warheyn, waxaana meesha ka muuqata in labo dowladood oo isla socdo ay ka jiraan magaalooyinka Muqdisho”.

“Al Shabaab iyo dowladda ayaa isla maamula Muqdisho, sababtoo ah Al shabaab Canshuur ayay ka qaadaan Bakaaraha dowladdana wey ka qaadaa, waxaana meesha ka muuqata labo dowladood oo is barbar socda”.

“Madaxweynaha Uganda dowladda Soomaaliya wax talaabo ah kama qaadi karto, sababtoo ah wuxuu kamid yahay dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, ciidanka ugu badan ayaa ka jooga Uganda awood ayuuna leeyahay”.

“Madaxweynaha Uganda ma ahan nin loo babac dhigo karo, sidii Nicholay Haysom, dowladda Soomaaliya waxay sameyn kartaa inay si hoose ula hadasho, laakiin ma ii muuqato talaabo cad oo ay ka qaadi karto, haddii ay ku dhaqaaqaana cawaaqib xun ayaa ka dhalan doona” ayuu yiri Mr Ingisiis.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this