Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Ahmed Moumin Seed Xil Doon Ma Ahayn Ee Xoolo Doon Ayuu Ahaa? Qalinkii: W/Q Abdirashid Younis Hagar

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir Ahmed Moumin Seed Xil Doon Ma Ahayn Ee Xoolo Doon Ayuu Ahaa?
Qalinkii: W/Q Abdirashid Younis Hagar

Sidaan wada ogsoonahay waxaa geeska Africa ka dhacey isbadalo horleh oo saameeyey siyaasadihii ku dhisnaa kaligii talisnimada wallow wali ay shaqeynayaa Madax ka mid ah kuwa ugu mudada dheer Africa ee dhinaca xilka Madaxweynaha.
Waxaan jeclaystey in aan qaranka Somaliland la wadaago saameynta siyaadeed mid ka mid ah gollaha Wasiirada Xukuumada Muuse Biixi Cabdi, Wasiirkaas oo ah Wasiir Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo ku sifoobey eex, qaraabokiil, kala fogeynta Beesha uu ka soo jeedo ee Habar Cafaan iyo nin jecleysi. Intaas aan kor ku soo xusney waxaa ku sifoobey Wasiir Ahmed Moumin Seed oo ah nin aan u bisleyn siyaasadaha haatan ka taagan Geeska Africa gaar ahaan tan Somaliland.
Waxaan idiin iftiimin doonaa taariikhda iyo doorka siyaadadeed ee Wasiir Seed, ugu horeyn Wasiir Seed wuxuu ahaan jirey nin ka shaqeeya dhinaca ganacsiga isaga oo mudo aad u badan meherad shaqaale uga ahaan jirey nin ay ilma adeer ahaayeen isaga oo mudadaas ku noolaa dalka aynu jaarka nahay ee Djibouti, shaqadaas ka dib wuxuu bartey xirfad ka mid ah kuwa gacanta laga qabto taas oo ahayd in uu Wastaadnimo ku shaqeyn jirey mudo ku dhow 12 sano. Intaas ka dib wuxuu ku soo biirey siyaasadda Somaliland 2008 isaga oo ka mid ahaan jirey Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid isaga oo Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee 2010 ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Awdal iyo Salal.
Intaas ka dib wuxuu sidii ahaadaba waxa uu xisbi la aasaasey Mudane Abdirahman Cirro oo ahaan jirey mudo 12 sano Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Somaliland oo ugu dambeyntii samaystey Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani isaga oo Gudoomiye ka noqdey Xisbiga Waddani ku xigeena uu ka noqdey Ahmed Moumin Seed oo ugu dambeyntii waxay sidii ahaataba waxa ugu dambeyn Shirkii Gollaha dhexe lagu tuurey sidaasna kaga baxay Xisbigii Waddani 2016 kii. Wasiir Seed iyo Xubno kale waxay u soo digo rogteen Xisbiga Kulmiye oo wakhtigaas isku diyaarinayey Doorashadii Madaxtooyada ee 2017 kii halkaas oo u xubin ka noqdey Xisbiga Kulmiye ugu Dambeyna uu ku heley mansabka maanta uu joogo ee Wasaarada Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland.
Ahmed Mounin Seed ma noqdey nin soo celiya Abaalkii iyo hiilkii ay siiyeen Beelaha Habar Cafaan ee uu ka dhashey? Jawaabtu waa maya sababta oo ah wuxuu noqdey nin ku tagrifala talo iyo tusaalana aan la wadaagin Beesha uu ka soo jeedo isaga oo aan hada Kalsooni buuxda ka haysan Beelaha Habar Cafaan ee uu ka soo jeedo Wasiir Seed,Beelahaas  oo hada u arka Wasiirka midkii ugu tayada iyo tamarta darnaa ee abid soo mara Beelaha Habar Cafaan isaga oo ku matala Saamiga Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Muuse Biixi Cabdi.
Wasiir Seed ma yahay nin u dhaxeeya una cadaalad sameeya Beelaha Habar Cafaan? Jawabtu waa maya Wasiir Seed wuxuu kala xigteystey oo uu kala foogeeyey kalsoonidii Beelaha Habar Cafaan oo ah Beesha ugu cududa weyn Gobollada Galbeedka Somaliland, Wasiir Seed wuxuu kala qeybiyey isku duubnidii iyo awoodii Beelaha Habar Cafaan isaga oo la yimid Cunfi iyo Qabyaalada qaawan oo uu ku hayo beelo ka mid ah 12 Bilood ee Habar Cafaan ka kooban tahay isaga oo shisheeye iyo sokeeya u kala qeybiyey, wuxuu xidhiidh gaar ah la leeyahay kaliya 4 bilood oo uu isagu si gaar ah u qadariyo isaga oo si gaar ah u sad bursi ugu sameeya Beesha uu ka soo jeedo ee Muuse Fiin.
Waxaan Madaxweynaha Somaliland kula talin lahaa in uu il gaar ah ku fiiriyo dhaqdhaaqaqa Wasiir Seed oo ah siyaasi aan qorshe dheer lahayn oo ku dhex wareerey Gobolada Galbeedka isaga oo curyaamiyey habsami socodkii Wasaarada Beeraha oo haatan ka mid ah Wasaarada ugu tayada liita Somaliland dhibaatada oo ah in aanu lahayn xirfad iyo aqoon uu ku maamulo Wasaaradda Beeraha isaga oo markasta ku faana in uu kursiga ku heley Saaxiibtinimo ka dhaxeysey Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ay saaxiib dhow yihiin in uu isagu u dhameeyey xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Beeraha wakhtigii la dhisyey xukuumada Muuse Biixi Cabdi.
Wabillahi Towfiiq
W/Q Abdirashid Younis Hagar
Abdirashiid1982@gmail.com
Paris, France
La soco qeybaha kale

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this