Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad Lala Xidhiidhinayo Weerarkii Hoteelka Dusit D2 Ee Magaalada Nairobi Oo Maxkamad Kasoo Muuqday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Wargeyska The Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa uu maanta qoray in 3 Eedeysane la soo tagaay Maxkamdda, kuwaasi oo ay ciidammada Booliska habeenkii Jimcihii ka soo xidheen deegaanno kala duwan oo ka tirsan dalka Kenya.

NBI-COURT.jpg

Ciidammada Boliska ee La-dagaalanka waxa loogu yedho Argagixisadda ee ATPU waxay ka codsadeen Garsoorka Maxkamadda in loo oggolaado inay Eedeysanayaashaasi sii hayaan muddo 5 maalmood, si ay u soo dhamaystiraan Badhaitaankooda.

Wargeyska waxa uu magacyadda dadka la soo eedeeyey ku kala sheegay Cabdul Kibringi, Jeemis Mawaay Mawangi iyo Xabiiba Geeddi Hunshur, waa sida laga hor sheegay Maxkamadda.

Askari ka tirsan ciidammada booliska ee ATPU oo lagu magacaabo Niyuutoon Mawangi waxa uu sheegay inay Eedeysanayaasha soo xidheen Jimcihii, balse aysan weli baadhin wicitaanka Telefoonadooda Mobaylka.

Waxa uu sheegay in baadhitaan hordhac ah muujinayo inay Eedeysanayaasha xidhiidh la leeyihiin Eedeysanayaal kale oo ku lug lahaa weerarkii Alshabaab ee ay bishan 15-dii ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee Nairobi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this