Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ku dhex-maray Gudaha Puntland Dagaal-yahanada Al-Shabaab iyo Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal culus oo ku dhex-maray Puntland Dagaal-yahanada Al-Shabaab iyo Daacish

 daacish-300x184.jpg

 Dagaal uu dhexeeya kooxaha Al-Shhaab iyo Daacish ayaa saaka waabarigii ka billoowday deegaanka Ceelka Miraale oo qiyaastii 70KM u jira magaalada Boosaaso.

Dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay in ay maqlayeen dhawaaqa rasaas socotay muddo saacdo ah, oo labada dhinac ay is-waydaarsanayeen, inkastoo ayasan dhaawac iyo dhimasho midna aan ishoodu qaban.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay Al-Shabaab ku amreen in ay ka guuraan dhulka wadooyinka ah, markii ay tageen agagaarka Ceelka Miraale.

Ma jiraan wax faah-faahinno ah oo intaas dheer oo laga helay dagaalka iyo khasaarihiisa.

18-kii bishii December ee sanadkii 2018, ayey ahayd markii Al-Shabaab iyo Daacish uu dagaal ku dhex-maray meel aan ka fogayn dhulkan buralayda gobolka Bari ah ee maanta uu daagalku ka dhacay, kadib markii maleeshiyo Al-Shabaab ka mid ah ay ka tageen dhinaca buuraha Galgala oo ay fariisimo ku leeyihiin, iyagoo duulaan ku ah fariisimaha Daacish ay ku leeyihiin buuraha gobolka Bari.

Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin dagaaladan la sheegay in ay u dhexeeya Al-Shabaab iyo Daacish. Sidoo kale, Daacish iyo Al-Shabaab ayaan ka hadlin dagaalka, lamana oga sababta dhabta ah ee daalka ka danbaysa.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this