Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Hawlaha Guud Oo Muddo Toddobaad Ah Ku Jira Cisbitaal Ku Yaalla Magaalada Hargeysa Iyo Madaxweyne Biixi Oo Aan Wali Booqanin

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo guryenta Somaliland Md Cabdirashiid Qanbi ayaa waxa muddo ka badan Toddobaad ku xanuusanaayey magaalada Hargeysa isla markaana u kala dhaxeeyey oo yaallay Marna Cisbitalka International Iyo Gurigiisa.

Wasiirka oo xalay dib loogu soo celiyey Guriiga ayaa maanta dib loogu celiyey Cisbitalka International oo uu markii hore yaallay , kadib markii xaaladiisa caafimaad ka soo reyn weyday, Alle ha caafiyee.

Madaxweynaha Somaliland oo shalay Cisbital Haldoor ee magaalada Hargeysa ku booqdey Wasiirka Caafimaadka oo isna xaalad caafimaad u yaalla, halka aanu madaxweynuhu wali booqanin wasiirka Hawlaha Guud oo isna Markaas xanuun u jiifay.

Lama Garan Karo Sababta uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ii wasiiradiisa Xalaadda Caafimaad u kala yaalla cisbitaalada Hargeysa uu mid ka mid ah u booqdey , halka mid kale-na uu u booqan waayey

Sidoo kale warar na soo gaadhaya ayaa waxaa ay sheegayaan in isla saaka cisbitalka Haldoor uu wasiirka caafimadka ku booqdey madaxweyne ku xigeeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici.

Wasiirka hawlaha guud ayaa waxa uu deegaan ahaan ka soo jeedaa gobol Buuhoodle.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this