Sign in to follow this  
Deeq A.

Yoweri Museveni: Soomaaliya Waa Dalalka Aaney Ka Jirin Maamul iyo Dowladnimo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni  oo maanta ka hadlayey shir ku saabsanaa garsoorka dalkiisa ayaa sheegay inay jiraan dalal aan dowladnimo ka jirin, isla markaana aan maamul laheyn, Soomaaliya ayuu tusaale u soo qaatay.

‘Dalal badan oo waxaa jira aaney ka jirin dowladnimo, waa iska jiraan ee ma laha maamul dhulka ka wada taliya, Soomaaliya ayaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa. Kuwoo badan ayaa jira laakin ma sheegayo sababo diblomaasiyadda awgeed”.

Dalka Uganda waa dalkii ugu horeeyey ee ciidamo nabad ilaalin u soo diro Soomaaliya March 2007, waa ciidamada ugu badan ee AMISOM ilaa  6,223 oo ciidan.

Uganda ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya waxaa ay ka howl-galaan  Sector 1 oo ka kooban Gobolkan Banadir (Mogadishu), iyo labada shabeelle midda dhexe iyo midda hoose.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this