Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan cusub Oo lagu doortay M/ Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Cabdullahi Sheekh Maxamed ayaa ku guuleystay kursi ka banaanaa Golaha Shacabka, kadib markii uu ku soo baxay doorasho aan cidna kula tartamin oo ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Saddex Musharrax oo la tartamayay Xildhibaankani ayaa la sheegay in ay ka maqnaayeen goobta ay ka dhaceysay doorashada.

Illaa iyo 44 Ergo ah ayaa ka qeyb qaatay doorashadan, iyadoo 35 ka mid ah ay u Codeeyeen Cabdullahi Sheekh Maxamed, sida uu shaaciyay xubnin ka mid ah guddiga doorashada madaxa banaan ee dalka.

Dhinaca kale saddexda Musharrax ee aan soo xaadirin oo kala ahaa Isaaq Macallim Sheekh, Xasan Macallim Ibraahim iyo C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur ayaa sheegay in loo diiday in ay gudaha u galaan hoolka ay ka dhaceysay doorashada oo ay tilmaameen in la masuq maasuqay.

Waa doorashadii ugu horreysay ee qabsoonta, iyadoo ay maqan yihiin qaar ka mid ah Musharraxiinta, inkastoo guddiga doorashadu uu shaaciyay in ay sax tahay doorashadaasi.

The post Xildhibaan cusub Oo lagu doortay M/ Baydhabo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this