Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan xasaasi ah Oo ka socda magaalada Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya Puntland ayaa ku warramaya in haatan kulan gaar ah uu ka socdo magaalada Garowe ee xarunta maamulkaasi.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa uu dhexeeyaa Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, siyaasiyiin iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankani looga hadlayo khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale Saaxfadda ayaa lagu soo warramayaa in ay dibad joog ka tahay kulankaasi oo ah mid uu albaabada u xiran yahay.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo, lana shaaciyo natiijada ka soo baxday shirkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS, madaxda dowladda goboleedyada iyo siyaasiyiin caan ah ayaa weli ku sugan M/ Garowe, kuwaas oo ka qeyb galay caleema saarkii Saciid Deni.

The post Kulan xasaasi ah Oo ka socda magaalada Garowe appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this