Deeq A. Posted January 28, 2019 Garowe ( SH. M. Newtork )-Saciid C/laahi Deni madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa ka warbixiyay kulamo u dhexeeyay madaxweynaha DFS Maxamed C/laahi Farmaajo iyo madaxda M/goboleedyada oo ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta maamulkaasi. Madaxweyne Deni ayaa shaaciyay in natiijooyin wanaagsan ay ka soo baxeen kulamadaasi, islamarkaana xal laga gaaray qaar ka mid ah tabashooyinka jira. Sidoo kale Saciid C/laahi Deni Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in shir nabadeed la qabto bisha saddexaad ee sanadkan 2019-ka, si loo dhameeyo guud ahaan khilaafka u dhexeeya labada dhinac. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Den.mp3 The post Madaxweyne Deni Oo ka warbixiyay kulamo ka dhacay Garowe appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites