Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorsheyaasha Mashruuca CIP ee 2019 oo Nairobi lagu ansixiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir muddo dhowr beri ah ka socdey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya isla markaana looga hadlayey Ansixinta qabyo qoraaleedkii 1aad, 2aad iyo 3aad ee qorshaha 2019ka ee mashruuca Tayaynta hay’adaha dawladda ee CIP ee baanka adduunku ka taageero dawladda Puntland ayaa lasoo gebogebeeyey.

Qorshahaan ayaa ahaa qabyo qoraaleed dhowr heer oo kala duwan soo maray isla markaana ay soo diyaariyeen hay’adaha dawladda ee ka faaiideysanaya mashruuca CIP iyagoo la kaashaday khubaro caalami ah isla markaana ku saleeyey baahiyaha dhabta ah eek a jira hay’adahaasi.

Waxaana shirkaasi kasoo qayb wakiillo ka socdey dhammaan hay’adaha ka faaiideysanaya Mashruuca, Xafiiska xiriirka Mashruuca iyo Madaxa ugu sarreeya Mashruuca ee Soomaaliya, iyadoona ugu dambayntii qorsheyaashaasi si rasmi ah loo meel mariyey.IMG-20190127-WA0007.jpg?resize=600%2C450 IMG-20190127-WA0008.jpg?resize=600%2C450 IMG-20190127-WA0009.jpg?resize=600%2C450 IMG-20190127-WA0010.jpg?resize=600%2C450 IMG-20190127-WA0011.jpg?resize=600%2C450 IMG-20190127-WA0012.jpg?resize=600%2C450

The post Qorsheyaasha Mashruuca CIP ee 2019 oo Nairobi lagu ansixiyey appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this