Sign in to follow this  
Deeq A.

Shariif oo shaaciyey labadii labadii arrin ee ugu adkaa mudadii uu xilka hayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd Shariif Sheikh Axmed ayaa la hadlay dhalinyaro badan oo wax ka barta jaamacadaha magaalada Garowe, kuwaasi oo uu siinayay dardaaran u badnaa inay bartaan nidaamka xisbiyada iyo dowladnimada.

Shariif Sheikh Axmed, ayaa ka sheekeeyay dowladnimada Soomaaliya iyo caqabaha heysta inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed marka ay timaado inay arrimo siyaasadeed isku qabtaan.

Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta uu ku yar yahay isu tanaasulka marka siyaasad la isku qabto, waxaana uu ardaydii uu la hadlayay usoo qaatay tusaalooyin uu kaga hadlay caqabadii uu la kulmay mudadii uu xilka hayay.

Caqabadii ugu adkeyd ee uu isaga ka tanaasulay ayuu ku sheegay isaga iyo Ahlu sunna Waljamaaca oo wax badan isku qabtay, wuxuuna sheegay in muddo badan oo is jiidjiid uu socday kadib in isaga uu tanaasulaad sameeyay.

Arinta Labaad wuxuu ku sheegay inay is qabteen ruux uusan magaciisa sheegin, balse waqti dheer kadib isaga uu sameeyay tanaasulaad haddana ay yihiin saaxiibada iskuugu dhow, sida uu sheegay.

“Ahlu sunna Wal Jameeca Dhuunta ayay ii fariisteen, wadahadal dheer kadib waxay ii noqdaan dadka iigu dhow saaxiibada oo anigaa tanaasulaad sameeyay, qofka labaad wuxuu ahaa ruux aan hadda gurigiisa degenahay, intii xilka aan hayay ayaan is qabanay, laakiin wada tashi kadib anigaa tanaasulay, hadda waa saaxiibka iigo dhow”ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this