Deeq A. Posted January 28, 2019 Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka baay waxaa ka dhacday doorashada kursi ka banaanaa golaha shacabka oo uu ka geeriyooday Xildhibaan Khaliif Sheikh Cabdullaahi. Doorashada oo lagu soo gabo gabeeyay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku tartamayay afar musharax, waxaana kusoo baxay xildhibaan Cabdullaahi Sheikh Maxamed. Musharixiinta ayaa codadka u kala helay sidan: Cabdulaahi Sheikh Maxamed 34 cod Isxaaq Khaliif Sheikh 4 cod C/qaadir Sheikh Maxamed Nuur 2 cod Xasan Macalin Ibraahom 0 cod Ugu dambeyn guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in Cabdullaahi Sheikh Maxamed uu noqday xildhibaanka kusoo baxay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Caasimada online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites