Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo Marti-gelinaysa Ciyaaro Caalami Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddida Fulinta ee xidhiidhka ciyaaraha dalalka aan la aqoonsan ee CONIFA ayaa shalay isku raacay in sanadka 2020 Somaliland lagu qabto koobka caalamiga ah ee dalalka aan la aqoonsan. Dalalka oo cod u qaaday arrintan ayaa intooda badan taageertay in Somaliland lagu qabto.

566.jpg

CONIFA waa xidhiidh ay ku midaysan yihiin waddamada aan ku jirin xidhiidhka caalamiga ah ee FIFA waxaanay Somaliland marti gelin doonta xulal ka socda dalalka aan ka qayb galin koobka Adduunka kuwaas oo ay ka midaysan yihiin qaddiyadda aqoonsi raadinta.

Qoraal ka soo baxay CONIFA ayaa lagu sheegay in xidhiidhka Somaliland ee ciyaaraha oo la aasaasay 2011 metelayay Somaliland iyo dadka reer Somaliland ee daafaha dunida ku kala nool.

Koobkan ayaa noqonaya kii afraad ee dalalkani qabsadaan waxaana wareegyadii hore lagu qabtay dalalka Sapmi (2014); Abkhazia (2016); iyo Barawa (2018).

Somaliland ayaa hadda la hadal haya in ay samaynayso xulka Qaranka maaddaama aanu hore u jirin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this