Sign in to follow this  
Deeq A.

Macallin La Dilay Markii Uu Ardey Teleefoon Gacanta Ka Qaaday Iyo Saddex Ardey Oo Loo Xidhay Falkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Saddex ardey oo lala xidhiidhinayo dilka macalin dalka Kenya ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii uu macalinka ka qaaday ardeyda Telefoonka gacanta.

Nakuru-town-opportunities.jpg

Peter Omari, oo wax ka dhigayay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Nakuru ee dalka Kenya ayaa waxaa weeraray ardey Khamistii lasoo dhaafay.

Ardeyda ayaa laga mamnuucay inay Iskuulada u qaataan telefoonka dalka Kenya, taas oo looga hortaggayo khashka imtixaanaadka.

Saraakiil ayaa BBC u sheegay in Peter Omari uu ardeyda kormeerayay xilli galab ah oo ay socdeen imtixaanaad.

Dalka Kenya waxaa marar badan lagu weeraray macalimiin badan oo ay ardeyda dhibaato u geysteen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this