Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni wuxu haystaa 2 todobaad oo keliyah in uu soo dhiso xukuumadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta waxaa u bilowday 14 cisho oo Baarlamanku ugu kordhiyay in uu ku soo magacaabo xukuumaddisa.

Madaxweyne Deni ayaa Dastuuriyan haystay mudda 21 maalmood ah in uu ku soo dhiso golaha xukuumadda cusub, hase yeeshee mudane Deni ayaa awoodi waayay in uu wakhtigaasi ku magacaabo golaha.

Madaxweynaha ayaa hadda haysta mudda 2 todobaad oo keliya taasi oo ah wakhtiga Baarlamanku u kordhiyay waxaana laga war-sugayaa xukuumadda uu soo dhisayo.

PUNTLAND POST

The post Deni wuxu haystaa 2 todobaad oo keliyah in uu soo dhiso xukuumadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this