Sign in to follow this  
Deeq A.

Rakaab Sababay Inay Si Deg-Deg Ah U Cago-Dhigato Diyaarad U Kala Gooshaysay Yurub Iyo Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Diyaarad rakaab ah oo ka soo kicitintay Magaalo madaxda Dalka Frace ee Paris una socotay Dalka Tunisia, ayaa si degdeg ah u caga dhigatay gegida diyaaradaha ee Magaalada Nice ee dalkaasi France.

Sidaana waxa lagu baahiyey Wargeyska Le Monde ee ka soo baxda Dalka France, kaas oo sheegay in mid ka mid ah rakaabkii diyaarada uu ku kacay falal aad u layaab badan oo sababay inay is gacan saaraan qaar ka mid ah rakaabka diyaaradaasi.

Ninka Rakaabka ah ee ku dhex dagaalamay diyaaradda oo da’diisa lagu sheegay 30 sanno jir, ayaa u dhashay Dalka Tunisia. Ninkan ayaa waxa uu Salaad ku tukaday Qolka Duuliyaha Hortiisa waxaanu markii uu salaadda ka baxay kadib uu bilaabay inuu la dagaalamo qaar ka mid ah ciidammada Ammaanka isagoo ku dhawaaqay Allaahu Akbar.

Arrintaasi ayaa waxay sababtay in diyaaradaasi ay si degdeg ah u caga dhigato waxaana ninkaasi isla markiiba gacanta ku dhigay ciidamada Amaanka waxaana ninkaasi lagu sameeyay baadhitaan. Ninkaasi ayaa waxa ay ciidmada Amaanka ee Dalkaasi ay sheegeen in la dhigay dhakhtar dhimirka halkaasina lagu dawaynayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this