Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Gedo: Kenya Aan Ka Wada Shaqeynno Amniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka gobolka Gedo ayaa ka dalbaday dowladda Kenya in ay ka wada shaqeeyaan amniga, gaar ahaan deegaannada xiga dhanka xuduudda.

Maxamed Xuseen Al-qaadi oo ah guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in aanu jirin wadashaqeyn ka dhaxeysa Labada dhinac, sidaasi darteedna loo baahan  yahay in la wada shaqeeyo.

Dowladda Kenya ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya guud ahaan aanay kala shaqeyn arrimaha ammaanka, balse loo baahan yahay in iskaashi amni la sameysto.

“Kenya waxaa looga baahan yahay in la wadashaqeeyo, waxaan ognahay in illaa iyo hadda aanay wadashaqeyn nala lahayn ciidankooda, waa in cadowga aan iska wada celinno” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Ugu dambeyn, Al-qaadi ayaa sheegay in maamulkooda uu waajib ka saaran yahay sugidda amniga guud ee gobolka Gedo, ayana la shaqeyn doonaan dadka shacabka ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this