Deeq A. Posted January 28, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay Askari ka tirsan Ciidanka DFS oo xalay dil ka geystay degmada Waabari ee G/ Banaadir. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/naasir Aadan Cabdi, waxaana uu ahaa Wade Mooto Bajaajle ah, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Askariga dilka geystay ayaa haatan ku xiran Sadlhigga degmada Waabari,sida ay Shabelle u sheegeen qaar ka mid ah ehelllada Marxuumka. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa siyaabo kala duwan dilal loo geysanayay wadayaasha Mootooyinka Bajaajka ee ka howlgala M/Muqdisho. The post Ciidanka Amniga Oo qabtay Askari dil ka geystay Waabari appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites