Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Amniga Oo qabtay Askari dil ka geystay Waabari

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay Askari ka tirsan  Ciidanka DFS oo xalay dil ka geystay degmada Waabari ee G/ Banaadir.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/naasir Aadan Cabdi, waxaana uu ahaa Wade Mooto Bajaajle ah, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah.

Askariga dilka geystay ayaa haatan ku xiran Sadlhigga degmada Waabari,sida ay Shabelle u sheegeen qaar ka mid ah ehelllada Marxuumka.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa siyaabo kala duwan dilal loo geysanayay wadayaasha Mootooyinka Bajaajka ee ka howlgala M/Muqdisho.

The post Ciidanka Amniga Oo qabtay Askari dil ka geystay Waabari appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this