Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Asluubta Oo beeniyay in la dhaawacay Anthony Thomas

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar Maxamed Sheekh Cumar oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa beeniyay in dhaawac loo geystay Anthony Thomas oo ah muwaadin Ingiriis ah oo ku xiran gudaha xabsigaasi.

Maxamed Sheekh Cumar ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Sakiin lagu dhaawacay ninkaasi Ajnabiga ah.

Waxaana uu tilmaamay in xaaladda Anthony Thomas ay tahay mid wanaagsan, islamarkaana uu caafimaad qabo.

Ninkani oo labo dhalasho ka kala heystay Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa dhawaan laga qabtay Garoonka Muqdisho, kadib markii looga shakiyay in uu sido walxaha qarxa.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/COD-SOOFA-1.mp3

The post Taliska Asluubta Oo beeniyay in la dhaawacay Anthony Thomas appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this