Deeq A. Posted January 28, 2019 Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Xalay ka qeyb galay Casha sharaf uu Madaxweynaha Puntland ugu sameeyay Garoowe. Casha sharafta ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Madaxda maamul Goboleedyada Dalka, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee DFS Cali Maxamed Geeddi, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Munaasabadda Casho sharafta ayaa ahayd mid lagu maamuusayay Madaxda iyo siyaasiyiintii Soomaaliyeed ee kasoo qayb gashay xafladdii Caleema saarka Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa. The post MD Farmaajo Oo Casha sharaf loogu sameeyay Garoowe appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites