Deeq A. Posted January 28, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya, mudane;Xasan Cali Khayre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta booqasho rasmi ah ugu ambabaxay Dalka Kenya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata, iyaga oo ka wada hadli doona xiriirka Labada Dowladood iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda ee Labada Dal. Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ka dhaxeeya xiriira qoto dheer uu ku saabsan dhinacyada amniga iyo is-kaashiga dhaqaalaha. The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Oo u ambabaxay dalka Kenya appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites