Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Oo u ambabaxay dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya, mudane;Xasan Cali Khayre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta booqasho rasmi ah ugu ambabaxay Dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata, iyaga oo ka wada hadli doona xiriirka Labada Dowladood iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda ee Labada Dal.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ka dhaxeeya xiriira qoto dheer uu ku saabsan dhinacyada amniga iyo is-kaashiga dhaqaalaha.

The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Oo u ambabaxay dalka Kenya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this