Deeq A. Posted January 28, 2019 Baydhabo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar rag hubeysan xalay ay ka fuliyeen duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta G/Baay. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu ekeeyay fariisin Ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin deegaanka Goofgaduud ee gobolkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, mana jirto cid sheegatay masuuliyaddiisa. Xaaladda ayaa saaka dagan, iyadoona Ciidamada dowladdu ay howlgallo ka bilaabeen deegaano hootsga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG K/ Galbeed. Al Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro xoogan ka fuliya gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. The post Weerar xoogan Oo xalay ka dhacay duleedka Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites