Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo labo ujeedo ka leh waddada isku xireysa Balli-Doogle iyo Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dhiseyso waddo isku xirta saldhigyada ay ku leeyihiin bariga Africa gaar ahaan Shabeelaha Hoose iyo dalka Jabuuti.

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa shaacisay mashruuca dhismaha wadada isku xireysa garoonka ay ku leeyihiin dalka Jabuuti iyo garoonka ciidamada cirka Soomaaliya ee Bali doogle.

Wadadaan ayaa la shaaciyay inay mari doonto dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia, waxaana wasaaradda Difaaca Mareykanka ay shaacisay in loogu talo galay inay adeegsadaan ciidamada ku sugan saldhigyada Mareykanka ee Jabuuti iyo Soomaaliya.

Mashruuca dhismaha wadadaasi ayaa la sheegay inay qaadatay shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka gaar ahaan shirkad fadhigeedu yahay gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Wadada ayaa sida lagu soo bandhigay qoraalka waxay dhexmareysaa meelo badan oo halis ah oo Al shabaab ay maamulaan, goobo ay maleeshiyaad hubeysan ku xoogan yihiin iyo dhul soohdin ahaan ugu murunsan yihiin Ethiopia iyo Soomaaliya.

Wadadaasi ayaa sida qorshaha uu yahay in Soomaaliya dhexdeeda lagu bixiyo dhaqaalo gaaraya 75 Milyan oo doolar, waxaana Mareykanka doonayaa inuu kaga maarmo sahayda ciidamada ka jooga garoonka oo diyaarado loogu geeyo.

Wargeyska Foreing Policy oo warbixintaan qoray wuxuu sheegayaan in Mareykanka uu doonayo in wadadaasi ka leeyahay ujeedo ah inuu ku dhimo awooda ciidamada China ee bariga Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this