Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Al-Shabab oo soo bandhigtay gaadiid iyo hub ay ku qabsadeen weerarkii xerada Baar Sanguuni

Recommended Posts

Deeq A.   

Jilib (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe kusoo bandhigtay gaadiid dagaal iyo hub ay sheegtay inay kusoo qabsatay weerarkii baar Sanguuni.

Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Jilib ee Jubbada Dhexe ayuu Sheekh Max’med Abuu Cabdalla oo ah guddoomiyaha Shabaab ee Jubbooyinka wuxuu warbaahinta ugusoo bandhigay saanado hub ah.

Waxyaabaha lasoo bandhigay waxaa kamid ahaa gaari Cabdi Bile ah, qoryo gacmeedyo, Baasuukayaal iyo agabyo kale oo meiliteri.

Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay in ay si buuxda ula wareegeen xerada, ayna halkaas ku dileen ugu yaraan 41 askari ka hor inta aysan kasoo tagin.

Baar-sanguuni1.jpg Baar-sanguuni2.jpg Baar-sanguuni3.jpg Baar-sanguuni4.jpg Baar-sanguuni5.jpg Baar-sanguuni6.jpg Baar-sanguuni7.jpg Baar-sanguuni8.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this