Sign in to follow this  
Deeq A.

CC SHAKUUR waxaa laga galay godob siyaasadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaa laga reebay mas’uuliyiintii lagu qoray hadal jeedinta xafladdii lagu caleemo saaray Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullahi Deni, kadib codsi ka yimid dowladda federaalka.

Cabdiraxmaan waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii xiisaha gaarka ah u yeelay dhacdadaas maadama ay si weyn isu hayaan dowladda ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Xassan Cali Kheyre.

Bulshada waxa ay si weyn isha ugu haysay khudbadaha ay jeedin doonaan siyaasiyiinta iyo madaxda is haya sida Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynihii hore Xassan Shikeh, Shikeh Shariif iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Madaxda maamul gobolledyada ayaa sidoo kale la sugayey in ay si lab xaaran uga hadlaan waxa la’isku hayo iyo tabashadooda.

Hase ahaatee kadib codsi ka yimid dowladda federaalka ah, qaban qaabiyeyaashii xafladda waxa ay liiska hadal jeedinta ka reebeen siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur taas oo noqotay lama filaan.

Maxa lagu macneyn karaa in xalay Siyaasiga ka hadli waayo madashada?

Sida ay ku warramayaan xogaha laga helayo qaban qaabiyeyaasha xafladda, waxaa la sheegay in Madaxweyne Deni ka codsaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur in uusan goobta ka hadlin.

Ujeedka codsiga Deni lama xaqiijin balse waxa ay mar walba noqoneysaa godob siyaasadeed oo ay Puntland xalay ka gashay Cabdiraxmaan.

Tusaale, Cabdiraxmaan waa siyaasi, hogaamiyaha xisbi, aad uga aragti duwan dowladda, haddii intaas lagu ixtiraami waayey, goormaa la ixtiraami doonaa kala aragti duwanaanshaha?

Cabdiraxmaan waxa ay dowladda ka tirsanaan gabood fal iyada lagu weeraray hoygiisa, laga laayey askar,  ma loo quuri waayey hambalyo ku soo koob hadal jeedintaada?

Waxaa meesha ku jirta in lagu doodi karo siyaasiyiin kale oo madasha joogay oo aan sidiisa oo kale hadlin, laakiin xisaabta halagu darso, dhammaantood ma lahayn miisaankiisa marka la eego sida gaarka ah ee ay isaga dowladda isu hayaan.

Puntland waxaa xalay oo dhan lagu amaanayey ilbaxnimo siyaasadeed, xukun isu dhiib, siyaasad dagan oo intaba run ah, hase yeeshee waxaa ka hoos baxday in siyaasi Soomaaliyeed oo u soo duulay maamuuskooda looga hiiliyo rag ay is hayaann.

TALO – waxaan ku boorinaya dowladda, haddii ay xalay ku guuleysatay maareynta iyo xakameynta xafladdii caleemo saarka, yeysan u qaadan guul balse ha sameyso madallo kaftan oo ay si fur cadi leh ugu doodaan iyaga iyo kuwa ka aragtida duwan – taas ma noqon doonto guuldarro balse waxa ay ka hortagi doontaa godobta siyaasadeed ee cimrigeedu gaaban yahay.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this