Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorasho maanta ka dhacaysa magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi ay ka dhaceyso doorashada kursi ka banaan golaha shacabka.

Kursiga ayaa banaanaaday kadib markii uu ka geeriyooday xildhibaan Khaliif Sheekh C/laahi Dheere, waxaana maanta ruuxii badali lahaa lagu dooranayaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Xildhibaanka  ayaa ku geeriyooday  28/April/ sanadkii 2018 Magaalada Muqdisho, waxaana musharixiinta u taagan kursigaasi ay kala yihiin

  1. Isaaq Khaliif Sheekh
  2. C/qadir Shekh Maxamed Nuur
  3. Xasan Macallim Ibraahim
  4. C/laahi Shekh Maxamed
Guddiga doorashada ayaa dhawaan odayaasha dhaqanka ay ku eedeeyeen inay faragelin ku hayaan doorashada kursiga uu ka geeriyooday xildhibaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this