Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaxda DF maamul goboleedyada iyo madaxdii hore oo labo qodob isku fahmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxda kala duwan ee kusugan magaaladaasi ay yeesheen kulamo gaar gaar ah oo ilaa xalay ka socday magaaladaasi.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in isku soo dhawaansho aan badneyn laga dareemay kulamadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Garowe, kaasi oo u dhaxeeyay madaxdii hore, madaxda maamul goboleedyada iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Xogo aan heleyno ayaa sheegaya in kulanka kan xiga uu ka dhici doono magaalada Muqdisho, kaasi oo ay isku arki doonaan madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda dowladda Soomaaliya, waana isfahamka koowaad ee shirka laga gaaray.

Sidoo kale waxaa soo baxaya in la isku fahmay in si wadajir ah looga shaqeeyo arimaha Soomaaliya, islamarkaana la joojiyo weerarada siyaasiyiinta ay dhanka warbaahinta isku mariyaan.

Kulamada ayaa la filayaa in maanta lasoo gabo gabeeyo, waxaana la sheegay inay madaxda ku laaban doonaan deegaanada kala duwan ay ka yimaadeen, sida xogta aan ku heleyno.

Ilaa shalay waxaa magaalada Garowe ka dhacayay kulamo gaar gaar ahaa oo u dhaxeeyay madaxda dowladda Soomaaliya iyo masuuliyiintii kala duwanaa ee dalka xilalka kasoo qabtay.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this