Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Khayre oo la kulmay howlwadeenada xafiiskiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, ayaa kulan gaar ah la yeeshay qaar kamid ah howlwadeena xafiiskiisa.

Wasiirka koowaad ee xukuumada Federaalka oo khudbad uu kaga hadlay arrimo ujeediyay shaqaalaha ayaa kula dardaarmay hufnaan shaqo.

Mr Khayre ayaa carabka ku adkeeyay in dowlada ay ka go’an tahay in shaqaalaha dowlada ay mushaarkooda u helaan si joogto ah.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul wasaaraha ayaa ku booriyay xubnaha ka howlgala xafiiskiisa inay si dhow u wada shaqeeyaan, ayna tusaale u noqdaan shaqaalaha kale ee dowlada.

The post RW Khayre oo la kulmay howlwadeenada xafiiskiisa appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this