Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaabiis Ka Tirsan Kooxda Daacish Oo Xabsiga Muqdisho Ku Dhaawacay Nin U Dhashay Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Maxaabiis Daacish ah ayaa la sheegay in xalay ay ku dhaawaceen Xabsiga dhexe ee Muqdisho nin Ajnabi ah oo lagu magacaabayay Anthony Thomas, kaasoo dhowaan laga soo xidhay Garoonka Muqdisho, kaddib markii lagu qabtay walxa laga shakiyay oo uu diyaarad la raaci rabay.

Wararka laga helayo Xabsiga Muqdisho ayaa sheegaya in labo ka tirsan Maxaabiista Daacish ay weerar ku qaadeen ninka Ajnabiga ee u dhashay Ingiriiska, waxaana ay u adeegsadeen sakiin ay qoorta uga sareen.

Ilo ku dhow dhow Xabsiga Dhexe ayaa sheegaya in ninka Ajnabiga ah xaaladiisa ay wanaagsan tahay, isla markaana durbadiiba dhaqaatiirta Xabsiga ay daaweeyeen sakiintii qoorta looga jeexay.

Arrintan ayaa ah mid ugub ah in maxaabiis u xiran falal Argagixiso in Xabsiga dhexdiisa ay ku weeraraan rag maxbuus ah, waxaana ninka ajnabiga ee ku xiran Xabsiga Dhexe ay horay u amartay Maxkamadda Gobolka Banaadir in lagu sii haayo xabsiga.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Anthony Thomas oo ka shaqeynayay mid ka mid ah Shirkadaha shisheeye ee ka howlaga Garoonka Muqdisho lagu qabtay garoonka, kaddib markii boorsadiisa laga helay walxo laga shakiyay sida Gaaska dabka dhaliya, waxaana lagu soo eedeeyay fal khal khal gelin amniga dalka ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this