Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadin British ah oo lagu dhaawacay xabsiga dhexe ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya muwaadin udhashay dalka Ingiriiska oo lagu dhaawacay xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Illo wareedyo ayaa tilmaamaya in ninkaan ajnabiga ah oo lagu magacaabo Antony Thomas ay dhaawaceen rag ku eedaysan inay ka tirsan yihiin Daacish.

Wararka ayaa tibaaxaya in xubnaha ku eedaysan Daacishnimada ay dhibaateynta Thomas u adeegsadeen Sakiin ay waxyeelo uga geysteen qoorta.

Xaalada caafimaadka ee maxbuuska ayaa lasoo sheegayaa inay tahay mid haatan kasoo fiicnaaneyso sidii hore, ayna la tacaalayaa dhaqaatiirta.

Antony Thomas oo xabsiga dhexe ee Muqdisho la digay todobaadkii hore ayaa ku eedaysan inuu khal-khal geliyay amniga qaranka kadib markii lagu qabtay garoonka diyaaradaha caasimaada isaga oo sitay walxo laga shakiyay.

Kadib baaritaan ay ku sameeyeen laamaha amaanka ee dowlada, waxaa lagu ogaaday in waxa la tuhmay ay ahaayeen qalabka loo adeegsado Sunta dadka ka ilmeysiisa.

Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhaawaca muwaadinkaan reer Britain, islamarkaana ah eedaysane, oo kasoo baxay dowlada Federaalka ah ama maamulka xabsiga dhexe ee magaala madaxda dalka.

The post Muwaadin British ah oo lagu dhaawacay xabsiga dhexe ee Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this