Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Ciidamada DF oo qabtay nin askari dilay, sidoo kalena toogtay mid kale oo dil damacsanaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay nin hubeysan oo askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ku dilay Suuq Bacaad oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid.

Askariga la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Qanjeey ayaa markii hore dhaawac culus uu soo gaaray inkastoo markii dambe uu ku geeriyooday Isbitaalka Keysaneey.

Hay’adaha ammaanka ayaa qabtay ninkan oo watay Baskoolad, kadib markii ay u suuragashay inay dhaawacaan.

Guddoomiye kuxigeenka ammaanka iyo siyaasadda Degmada Yaaqshiid C/fataax Axmed Cali ayaa sheegay in ninkan marka hore ay daweynayaan kadibna ay hor geynayaan sharciga.

“Waxaan ku guuleysanay inaan gacanta ku dhigno nin hubeysan oo dilay askari, ninkan waxaan horgeyn doonaa sharciga, waxaan ciidanka ammaanka ku amaanayaa shaqada ay qabteen.” ayuu yiri Guddoomiye C/fataax.

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa goor-dhaw toogasho ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo ay sheegeyn inuu ku hubeesnaa Bastoolad, islamarkaana uu doonayay inuu dilo askari katirsan ciidamada Soomaaliya.

Dilka ayaa ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.  Marxuumka la dilay ayaa watay Bastoolad waxa uuna sidoo kale watay Mooto laba lugaaley sida ay sheegeyn dadka degaanka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha amaanka oo ku aadan dilka ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere, Agga uu dilka ka dhacay ayaa ah meel aad loo ilaaliyo waxaana ku dhaw godka Jilacow, Xarumo wasaaradeed iyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this