Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Kulankii Farmaajo iyo madaxda Soomaalida oo 2 qodob la isku afgartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxda maamul goboleedyada iyo madax kale ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Shirka ayaa waxaa ku qeyb galay madaxda maamul goboleedyada dalka, madaxweynayaashii hore ee dalka, guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka, guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo ku xigeenadiisa, madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa iyo madaxda dowladda Soomaaliya.

Warar ku dhow dhow kulanka oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegay in kaftan iyo kala war qaadasho kaddib xubnaha kulanka ay isku afgarteen labo qodob oo ay ka mid yihiin in la xaliyo khilaafka dowladda iyo madax goboleedyada, iyo in shir labada dhinac isugu yimaadaan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga sugayaa inuu soo iclaamiyo xilliga la qabanayo shirkaas.

Kulankan ayaa ahaa kii u horeeyay ee fool ka fool ah ee dhex mara Madaxweyne Farmaajo, Madaxda maamul goboleedyada iyo Madaxdii hore, iyadoo muddooyinkan ay jireen khilaaf u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo dhinac ah, iyo qaar ka mid ah Madaxdii hore oo iyagana dhaliilsanaa qaabka dowladdu wax u wado.

51286846_2238375589754549_68626719658748 51010844_2238375613087880_98226659691751 50994995_2238375683087873_17427363324357 50962121_2238375619754546_29889046608252 50687323_2238375629754545_53270806734695

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this