Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo dhisaya waddo dhulka ah oo isku xirta Balli-doogle iyo Jabuuti iyo qorshaha laga leeyahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday mashruuca dhismaha waddo dhulka ah oo isku xirta Saldhigga ugu weyn Mareykanka ee Afrika ee dalka Jabuuti iyo Garoonka ciidanka Cirka Soomaaliya ee Balli-doogle oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha hoose.

Waddadan ayaa waxaa ay dhexmari doontaa dhulka Ismaamulka Soomaalida ee ay Itoobiya Maamusho, waxaana uu Mareykanka ugu talagalay in ay adeegsadaan Ciidankiisa ku sugan labada saldhig.

Mashruuca dhismaha Waddadan waxaa qaadatay sharikad laga leeyahay mareykanka oo fadhigeedu yahay Gobolka Virginia, taas oo lagu magacaabo Pacific Architects.

Waddadan waxaa ay dhexmareysaa dhul qatar dhinaca amaanka ah oo meelaha qaar waxaa maamula Al-shabaab,waxaa kale oo ay martaa dhul ay ka taliyaan malleeshiyo beeleed iyo Sohdin aan wali heshiis rasmi ah laga gaarin oo u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya.

Waxaa ay Waaxda Difaaca Mareykanak ee qorshahan waddo sheegtay in waddadan qeybta Soomaaliya dhexdeeda ah ay ku ka ceyso $75Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Garoonka Balli-Doogle oo ku dhawaad 90 KM u jira Muqdisho ayey Ciidamada Mareykanka ah ee jooga waxaa ay sahayda u martaa dhinaca cirka waxaana u geeya diyaarado Helicopterro ah oo ka duula Garoonka Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wargeyska Foriegn Policy oo maqaalkan daabacay ayaa sheegay in khubarro uu wareystay u sheegeen in u jeeddada Mareykanka ka leeyahay Waddadan ay tahay sidii uu u dhimi lahaa baahidda Awoodda China ee Geeska Afrika.

Pacific Architects,waxaa ay horay u heysatay mashruuca dhismaha saldhigyada Mareykanka ee Soomaaliya,waxaana bishii January ay sharikad iyada hoostagta ka hir gelisay Muqdisho taas oo lagu magacaabo Africa Expeditionary Services.

Africa Expeditionary Services, ayaa dhismahan ka shaqeyn doonta iyada oo shaqaaleysiineysa sharikado kale oo gudaha ah inkasta oo hal sharikad oo aan la sheegin ay diidday mashruucan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this