Deeq A. Posted January 27, 2019 Afgooye ( Sh. M. Network )-Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay Gaari Gaashaaman ku soo bandhigay gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. Warar Al Shabaab ay ku baahiyeen bogagooda Internet-ka ayaa waxa ay ku shegeen in Gaarigaasi ay kala wareegeen Ciidanka 14 October ee xoogga Soomaaliyeed. Sawirro laga soo qaaday Gaariga ayaa waxaa la arkayay isagoo uu ka dulbabanayo Calanka Al Shabaab, sidoo kalena ay saaran yihiin Dagaalyahanno ka tirsan kuwooda. Sidoo kale Al Shabaab ayaa intaasi ku daray in ay la wareegeen saanad Ciidan oo dowladda Federaalku ka heshay dowlado shisheeye, sida ay hadalka u dhigeen. Ma jiro illa aiyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha Ciidamada dowladda oo ku aadan Gaarigaasi. Dhawaan ayay aheyd markii Wasaaradda Gaashaandhigga XFS lagu wareejiyay Gaadiid gaashaaman oo ay dowladda Qatar ugu deeqday Soomaaliya. The post Al Shabaab Oo Gaari dagaal ku soo Bandhigay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites