Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo ku baaqday in laga feejignaado weerarada Xarakada Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi ( Sh. M. Network )-Booliska Kenya shacabka ugu baaqay in ay ka feejignaadaan halista weerarada Al Shabaab ay ka geystaan gudaha dalkaasi.

Taliyaha Booliska ee dalka Kenya Joseph Boinnet ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, kadib weerarkii 15 bishan lagu qaaday hotelka Dusit ee magaalada Nairobi.

Mr Joseph ayaa shacabka ugu baaqay in aysan ku badnaan goobaha dadka ay isugu yimaadaan, halkaas oo uu sheegay in ka faa’iideysan karaan Al Shabaab.

Sidoo kale Booliska ayaa shacabka ku nool gudaha Kenya ka dalbaday in ay ka caawiyaan xogaha Al Shabaab, is looga hortago weerarada ay ka geysan karaan dalkaasi.

Warkana ka soo baxay Booliska Kenya ayaa ka dambeeyay kadib qarax xalay dhacay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

The post Kenya Oo ku baaqday in laga feejignaado weerarada Xarakada Al Shabaab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this