Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku dhawaad 5 Qof Oo Gaajo ugu dhintay Garasbaaley

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Garasbaaley ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay illaa iyo saddex Qof ay ku Geeriyoodeen Kaam barakac oo ku yaalla deegaankaasi oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho.

Dadkan oo labo ka mid ah ay ahaayeen Caruur, midka kalena uu ahaa Qof da’ah ayaa la sheegay in Gaajo iyo Haraad ay ugu dhinteen Kaamkaasi.

Hooyo Binti Maxamed oo ka mid ah dadka Barakacayaasha ah ee ku dhaqan halkaasi ayaa Shabelle uga warbixiyay dhacdadaasi.

Waxaana ay tilmaamatay in dadkaasi nafaqo daro iyo Gaajo daran ay ugu dhinteen halkaasi

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in barakacayaashani ay ka soo hayaameen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Ugu dambeyn Hooyo Binti Maxamed ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Samafalka in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadkaasi.

The post Ku dhawaad 5 Qof Oo Gaajo ugu dhintay Garasbaaley appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this