Sign in to follow this  
Deeq A.

Qatar Oo xoojineyso taageerada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dooxa ( Sh. M. Network )-Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso taageerada dhinaca Milatariga ee ay siiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Qatar Khalid Al Attiya ayaa dhawaan kulan gaar ah dalkaasi kula yeeshay wasiirka difaaca Soomaaliya Xasan Cali Maxamed.

Labada mas’uul ayaa ka wada xaajooday,  sidii loo xoojin lahaa xiriirka milatari ee u dhaxeeya labada dowladood.

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay ballan qaaday in Soomaaliya ay si weyn ugu taageerayso dhinaca milatariga iyo la dagaalanka Al Shabaab.

Qatar ay dhawaan Soomaaliya ku wareejisay 68 Gaadiid ukuwa Gaashaaman ah, taas oo noqoneysa kaalmadii milateri ee horreysay ee Qatar ay siiso Soomaaliya.

DFS ayaa wada qorshe ay ku dhiseyso Ciidamadeeda, si ay ula wareegto ammaanka dalka, marka ay ka baxaaan Ciidamada AMISOM.

The post Qatar Oo xoojineyso taageerada Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this