Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay G/ Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Jalalaqsi ( Sh. M. Network )-Maxamed Nuur Cagajoof guddoomiyaha maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay dagaal u dhexeeyay Ciidamada dowladda, kuwa Jabuuti oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Buurweyn oo hoostaga degmadaasi.

Guddoomiye Cagajoof ayaa sheegay in guul la taaban karo Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka gaareen dagaalkaasi.

Waxaana uu tilmaamay in halkaasi ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab, kaas oo magaciisa uu ku sheegay Macalin Muumin.

Sidoo kale guddoomiyaha dgemada Jalalaqsi ayaa intaasi ku daray in  kolonyo ay galbanayeen Ciidamadu ay si nabdoon ku soo gaareen magaaladaasi, kuwaas oo ka soo ambabaxay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe.

The post Sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay G/ Hiiraan appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this