Deeq A. Posted January 27, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa maanta wiil dhalinyaro ahaa ku dilay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee M/ Muqdisho. Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu ku hubeysnaa Bistoolad, kadibna ay Toogasho ku dileen Ciidamo ku sugnaa halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in uu baxsaday nin kale oo la socday Marxuumka. Saraakiil ka tirsan kuwa laamaha amniga ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo haatan wada baaritaano ku aadan dhacdadaasi. Lamag oga illa iyo hadda waxa ay ahaayeen raggaasi, basle wararka qaar ayaa sheegaya in ay damacsanaayeen in ay fuliyaan dil qorsheysan. Muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada amniga ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka waday xaafado ka tirsan magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. The post Ciidanka amniga Oo nin hubeysnaa ku dilay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites