Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Qaraxa oo ahaa nuuca Bambada gacanta laga tuuro ayaa ka dhacay goob Shaleemo ah oo aad u mashquul badan, taas oo ku taalla bartamaha magaaladaasi.

Ugu yaraan illaa laba Qof oo Rayid ahaa ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Booliska dalkaasi.

Ciidamada Kenya oo goor dambe gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa baaritaano ay ku baadi goobayeen cida fulisay weerarkaasi ka sameeyay halkaasi.

15-kii bishan ayey aheyd markii xubno ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen hoteelka DusitD2 oo ku yaalla galbeedka M/Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

The post Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Nairobi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this