Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni Oo ku dhawaaqay Guluf ka dhan ah S/land

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( Sh. M. Network)-Saciid C/laahi Deni Madaxweynaha cusub ee Puntland oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu caleema saarayay ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira maamulkaasi.

Ugu horreyn Madaxweyne Deni ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono horumarka Puntland, islamarkaana uu xoojin doono daadajinta maamul wanaaga.

Sidoo kale waxa uu xusay in uu diirada saari doono xoojinta ammaanka iyo hirgalinta  nidaamka federaalka.

Dhanka kale madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa tilmaamay in ahmiyad gaar ah uu siin doono ilaalinta Puntland, waxaana uu hoosta ka xariiqay in maamulkiisu uu qaadi doono Guluf ka dhan ah Somaliland, islamarkaana ay soo ceshan doonaan dhulka ka maqan, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxaa uu carabka ku dhuftay in sidoo kale uu la dagaalami doono Al Shabaab iyo Daacish oo ku sugan deegaano ka tirsan maamulkaasi.

The post Madaxweyne Deni Oo ku dhawaaqay Guluf ka dhan ah S/land appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this